De asielprocedure
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (3)
Dacwada Guud ee Magangelyada
- 1
- 2
- 3
- 4
- 5
Ma ka soo gashay Nederlaan xagga dhulka? Markaa waxaad magangelyo ka weydiisaneysaa Dacwada Guud ee magangelyada. waxaad ka weydiisaneysaa tuulada Nederlaanka ee Ter Apel. Halkan ka aqri sida uu dacwada magangelyo u shaqeeyo.
Dacwada xaduudka: sidan ayey u shaqeysaa magangelyo weydiisashada marka aad ka imaado garoon diyaarad iyo dekad
- 1
- 2
- 3
- 4
- 5
Nederland ma ku timid diyaarad ama markab? Iyo ma heysatid fiiso aad Nederlaan ku gasho? Kadib waxaad magangelyo ka codsataa nidaamka xaduudka. Tan waxaa sidaan loogu yeeraa sababtoo ah weli si rasmi ah uma aadan joogin Nederlaan. Halkan ka akhri sida nidaamkan magangelyo u shaqeeyo.
Dacwada Dublin: Sidan ayuu u shaqeeyaa dacwada magangelyada haddii aad hore waddan kale oo Yurub ah magangelyo ka weydiisatay
- 1
- 2
- 3
- 4
Haddii aad magangelyo ka weydiisatay waddan kale oo Yurub ah, rajada wey weyn tahay in aadan magangelyo ka heleynin Nederlaan. Markaa badiyaa inaad wadankaasi koowaad ku noqotaa. Taasi waxaa loo yaqaanaa 'Dacwada Dublin'. Qodobkan ayaa ka aqrinrysaa sida ay taasi tahay.
Warbixin

Dacwada magangelyodoonka sidee ayuu u shaqeeya?
Waxaad magangalyo ka codsanaysa Nederland maadaama aan wadankaga nabad ahayn. Dowladda Nederlaan waxay qiimeyn doontaa inaad xaq u leedahay badbaado. Fiidiyowga wuxuu sharxaa sida habka magangalyadu u shaqeeyo iyo talaabooyinka muhiimka ah ee la qaadayo.

Sharuudaha sharciga magangelyada ee deganaanshaha
Waxaad Nederlaan sharuudo gaar ah awgeed ku weydiisan kartaa magangelyo. Waxaa Adeega Socdaalka iyo dhalashada (IND) ayaa ka go'aamineysa inaad sharuudaha ka soo baxeyso. Markaa ka dib waxey IND go'aamineysaa sharciga magangelyada aad heleyso nooca a ama b. Ma weydiisan kartid magangelyo Nederlaan haddii aad dibada joogto.

Imaanshaha Nederlaan xagga garoonka diyaarada Schiphol, ama garoon kale ama dekad
Ma ku imaaday diyaarad garoonka diyaaradaha Schiphol ama dekada Nederlaan? Iyo ma heysatid fiiso weli socda iyo baasaboor aad ku joogi karto Nederlaan? Markaa magangelyo ayaa ka weydiisanaysa garoonka diyaaradaha. Waxaad codsigaaga magangelyo ku sugeysaa xero xiran oo garoonka Schiphol agteeda ah.

Sidan ayaa samayn kartaa si aad si habboon ugu diyaargarowdo dacwadaada magangelyo ee Nederlaan
Nederland gudaheeda waxay qaadan kartaa wakhti dheer ka hor intaysan bilaaban dacwadaada magangelyo oo aad waraysiyada ugu horeeya la yeelato IND. Waxaa laga yaabaa inaadan u xasuusan dhammaan qaybaha dhibaatadaada qixitaanka sida aad hadda u xasuusato. Hoos waxaad ka akhrisan kartaa sida ugu wanaagsan ee aad ugu diyaarin karto dacwada haddii ay tahay inaad sugto waqti dheer.

Waxaad dokumentiyada u aruurineysaa dacwada magangelyada
Mudada dacwada magangelyada waxaad Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) u dhiibeysaa dokumentiyo. Dokumentiyadan waxey cadeynayaan dhibaatada aad usoo qaxday. Ka aqri halkan dokumetiyada lagaa rabo iyo qaabka aad u kuwaasi u direyso.

Kuwani waa noocyada kala duwan ee xeryaha dejinta haddii aad magangelyo ka codsato Nederlaan
Haddii aad Nederlaan magangalyo ka codsato, waxaad xaq u leedahay xero. Waxaa jira noocyo kala duwan oo xeryaha ah, iyadoo ku xiran xaaladdaada iyo inta ay tahay inaad sugto go'aanka codsigaaga magangalyo. Mararka qaarkood waxaa laguu rari doonaa meel kale oo soo dhaweyn ah inta lagu jiro dacwadaada. Hoos waxaad ka akhrisan kartaa wax badan oo ku saabsan goobaha soo dejinta ee kala duwan.

Tani waa waxa uu lawyarka kuu sameeyo inta lagu jiro dacwada magangelyada
Qof walba oo Nederlaan magangelyo ka weydiista, wuxuu xaq u leeyahay lawyer lacag la'aan ah. Lawyarkan wuxuu kaa caawinaayaa mudada dacwada magangelyada uu socdo. waaa kaloo uu lawyarka hubinaayaa in xaquuqdaada la dhowro

Warbixin dheeraad ah oo dacwada magangelyodoonka haddii aad ka yar tahay 18 jir
Ma ka yar tahay 18 jir iyo aad Nederland kaligaa u qaxday? Markaa waxa laga yaabaa in nidaamka magangalyadu wax yar kaaga duwanaan karo kan dadka waaweyn. Waxaa jira sharciyo gaar ah iyo waxaad heleysaa taageero dheeraad ah. Maqaalkan waxaad ku akhrin kartaa waxaad u baahan tahay inaad ogaato.

Warbixin dheeraad ah oo dacwada magangelyodoonka haddii aad tahay lhbti
Ma soo qaxday maadaama aad tahay lesbiyan, khaniis, kuwa labada jinsi jecel ama kuwa iska bedela jinsiga ama kuwa jinsiyaadka kale? oo ma rabtaa sababtaasi darteeda inaad magangelyo uga weydiisato Nederlaan? Waxaa muhiim ah inaad mudada dacwadaada magangelyoaad garyaqaankaaga u sheegtaa iyo Adeega Socdaalka -iyo Jinsiyada (IND).

Codsiga magangelyada haddii lagugu tuhmo dembiyaa (1F)
Si aad Nederlaan magangelyo uga hesho, waa inaad cadeysaa iney qatar kuu tahay wadankaaga aad ka soo jeedo. Xitaa haddii aad taasi cadeyn karto, weli mar mar magangelyo laguma siinaayo. Taasi waa tusaale ahaan marka lagugu tuhmo dembiyo dagaal, jir dil argagaxisonimo, jirdil ama dembiyo kale oo bani' aadannimada ka baxsan.
Wax talo ah ma siineysaa websaaytka?
Nala soo socodsii haddii wax tabeyso ama aadan heli karin. Fikradaada wey caawineysaa RefugeeHelp boggan si loo hormariyo. La soco: foomkan waxaa loogu talo galay fikradaha websaaytka. Looguma talo gelin su'aalaha shaqsiga iyo codsiyada. Wax jawaab ah kama heli doontid fikrada aad noo soo jeediso. Fadlan ogow: foomkan maahan su'aalo shakhsi ah. Ma heli doontid jawaab.

